Meydka Qof Rayid ah oo Saaka Lagu Arkay Xaafada Xararyaale

Wariye madax banaan oo lasoo xiriiray Midnimo.com ayaa sheegaya in ruux rayid ah kooxo hubeysan ku dileen xaafada xararyaale ee degmada Wardhiigleey.

Meydka ruuxaas ayaa saaka lagu arkay mid ka mid ah wadooyinka kuyaalla halkaasi waxaana dadka ku jahwareersan yihiin ninka iyo halka uu ka yimid.

Dad badan ayaa iskugu soo baxay meesha meydka saaka lagu arkayo iyagoo is weydiinaya qof garanaya ruuxa meydka ah iyo qaabka dilkiisa udhacay.

Inkastoo dad badan cabsi ka muujiyeen si toos ah inay uga hadlaan dilka ruuxaasi rayidka ah xalay loogeystay iyadoo dad badana ay si hoose Midnimo.com ugu sheegeen in bistoolado dhalinyaro ku hubeysan toogteen.

Ciidamo katirsan dawlada Somaliya ayaa goobta gaaray iyagoo meesha ka qaaday meydka ruuxasi lagaran waayey waxaana arinta ug weyna tahay in warqad jeebka loo geliyey waxa lagu qoray (Afkaaga ha udhiman).

Ma ahan markii ugu horeysay oo meydka qof rayid ah lagu arko magaalada muqdisho waxaana arinta ugu weyn ay tahay in mar kale muqdisho lagu arko dad la dilay meydkooda oo la aqoonsan waayey.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here