Meydka Meles Zenewi oo laga dejiyey Addis-Ababa

Dadweyne Etoobiyaan ah oo aad u murugeysan ayaa isugu soo baxay banaanka hore ee garoonka diyaaradaha Addis-Ababa ee dalka Itoobiya halkaasi oo laga soo dejiyey Meydka Ra’iisul Wasaarihii Itoobiya Attow Meles Zenewi.

Zenawi meydiiska oo ku jiray Naxash oo lagu soo duubay calanka dalka Itoobiya ayaa diyaarad gaar ah looga soo dejiyey garoonka Diyaaradaha ee Addis-Ababa.

Kumanaan dad Itoobiyaan ah oo ka murugeysan dhimashada Malez ayaa lagu arkayey Magaalada Addis-Ababa  ee dalka Itoobiya.

Malez Zenewi ayaa ahaa masuulka ugu sareeyo dalka Itoobiya islamarkaana si weyn ugu muuqday qaaradda Afrika waxa uuna ku dhintay da’da 57 sano.

Melez ayaa waxa uu ahaa nin aad ugu fekirayey aayaha shacabka Itoobiya waxaana sidoo kale uu ahaa nin go’aan adag leh oo ka dhex muuqday fadhiyada Midowga Africa ee ka dhacayey Magaalada Addis-Ababa.

Sikastaba Malez Zenawi ayaa ku geeriyooday isbitaal ku yaal dalka Belguimka halkaasi uu la jiifay xanuun ka dhashay infection ka galay Caloosha.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

Midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here