Meydka madaxweynihi hore Somalia oo la aasi doono maalinta Axada ah

Ra’isulwasaaraha Xukumada KMG Soomaaliya C/wali Maxamed Cali ayaa sheegay in maalinta birtio ah la keeni doono meydka marxuum C/laahi Yusuf Magaalada Muqdisho.

Dr. Cabdi Wali oo si rasmi ah u faah faahiyey habka uu u dhici doono aaskiisa iyo halka lagu duugi doono ayaa tilmaamay in caasimada loogu sameyn doono aas qaran, balse la filayo in lagu bud dhigo xabaalo ku yaala Gaalkacyo.

“Madaxweynaha meydkisa waxaa la keenayaa subaxnimada Axada, isala duhurnimada Axada ayaa qiyaasti la aasi doonaa, Muqdisho waxaan ugu sameyneynaa aas qaran ka bacdina waxaa laga yaabaa in loo gudbiyo Gaalkacyo,” ayuu yiri.

Dowlada KMG Soomaaliya ayaa shalay ku dhawaaqday gudi u xilsaaran aaska C/laahi Yusuf Axmed, waxaana madax u ah gudigaasi ra’isulwasaare ku xigeenka Soomaaliya C/wahaab Ugaas Xusen.

Madaxweynihi hore ee Soomaaliya ayaa ku geeriyooday shalay subaxdi isbitaal ku yaala magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Midoobay.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.