Meydka lix askari oo Jabuuti oo dalkooda la geeyay

Meydka lix askari oo Jabuuti oo dalkooda la geeyay
Meydka lix askari oo Jabuuti oo dalkooda la geeyay

Madaxweynaha Jabuuti, Ismaacil Cumar Geelle ayaa habeenkii xaley ku soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Jabuuti meudka lix askari oo ku dhintay weerar dhawaan ka dhacay magaalada Buuloburde ee gobalka Hiiraan.

Madaxweynaha oo ay la socdaan xubno ka tirsan dowladiisa ayaa uga hortaga naxashka lagu siday meydadka askarta lixda ee laga dajiyay garoonka diyaardaha dalkas Jabuuti.

Madaxweynha ayaa aya meydka askarta ku xardhay billado geesinimo ah, isagoona illaah uga barayay in uu jannada galiyo.

Madaxweyne Ismaacil Cumar Geelle ayaa sidoo kale sheegay in wax saameen ah aaney ku yeelan doonin geerida askarya howgalka ciidankooda ay ka wadaan Soonaaliya.

Wuxuu ku celceliyay in dalkiisa uu diyaar u yhay siddii uu caawin laha dalka Soomaaliya oo uu ku habsadeen dhibaato ay ka mid tahay kooxaha argagixisada.

Askarta Jabuuti ee Hiilqaran ayaa ka mid ah howgalka Midowga Africa ee AMISOM.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here