Meydka dhaqtarki Khamiisti lagu dilay Muqdisho ayaa lagu wadaa in loo duuliyo dalkiisa Indonesia

Safaarada Indonesia ee dalka Kenya ayaa sheegtay in ay ka shaqeyneyso sidi ay loogu duulin lahaa magaalada Jakarta ee caasimada dalkaasi meydka dhaqtar Indonesian ah oo todobaadki hore lagu dilay magaalada Muqdisho.

Andrias Karel Melkianus Keiluhu, ayaa u dhintay dhaawac kasoo gaaray weerar uu ku qaaday Khamiisti hore nin ka shaqeyn jiray hey’ada MSF xilli ay ku sugnaayeen isaga iyo nin kale oo ajnabi ah oo isna la dilay xafiis ay dhaqaatiirta aanan xuduuda laheyn ku leeyihiin Muqdisho.

Mas,uulka ka tirsan safaarada Indonesia ee magaalada Nairobi oo lagu magacaabo Wisnu Mahendra Kusum, ayaa sheegay in ay hada lagu jiro inta badan fasaxa ciidada Kasistaanka, balse ay ka shaqeynayaan sidi ay u dar dar gelin lahaayeen dhoofinta meydka dhaqtarka oo ku jiro qaboojiye.

Andrias oo ahaa 44 jir ayaa u shaqeynayey hey’ada Medecins Sans Frontieres (Dhaqaatiirta aanan xududa laheyn), waxaa sidoo kale weerarkaasi ku dhintay dhaqtar kale oo u dhashay dalka Belgium.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.