Meydadka shan ruux oo si xun loo dilay ayaa laga helay Beledweye

Meydadka dhan ruux oo dhalinyara ah oo qaar kood laga soo bixiyey wabiga Shabelle iyaga oo daadaya ayaa saacadihi lasoo dhaafay laga helay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Meydadkaan oo dhamaantood ah dad dhalinyara ah waxaa siyaabo kala duwan loo dilay saacadihi lasoo dhaafay, waxaana sadex ka mid ah lasoo dhigay iyaga oo meyd ah xaafadaha magaalada.

Dadka deegaanka ayaa wax yar kadibna helay meydadka laba dhalinyara ah oo la arkay iyaga oo webiga Shabelle ee dhexmara magaalada sabeynaya, kuwaasi oo ay kasoo saareen dad ku sugnaa hareeraha wabiga.

Sida ay inoo xaqiijiyeen goob joogayaasha, meydadkan waxa dhamaantood ku yaalay rasaas, qaarkoodna indhaha ayey ka xirnaayeen, waxaa xusid mudan in uu ku jiro wiil dhalinyara ah oo xalay lagala baxay hotel ku yaala magaalada kaasi oo saakay la arkay isaga oo meyd ah.

Lama oga cida ka danbeysa dilka dhalinyaradan, hase yeeshee waxa ay dadka magaalada farta ku fiiqayaan ciidamada maamulka Dooxada Shabelle oo maalmahan ugaarsi ku hayey dhalinyarada ay uga shakisanyihiin in ay la shaqeeyaan Al Shabaab.

Dhanka kale waxaa maanta uu qarax ka dhacay boosteejada baabuurta aado magaalada Muqdisho ee magaalada Baladweyne, xilli ay halkaasi marayeen ciidamo Itoobiyaan ah.

Qaraxa kadib ayaa waxaa rasaas furay ciidamada lamana oga qasaaraha kasoo gaaray ciidamada Itoobiya iyo dadki rayidka ahaa ee goobta ku sugnaa.

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.