Meydadka laba nin oo midi qoorta ka go,anyahay ayaa laso dhigay degmada Afgooye

Laba nin oo u muuqda dhalinyaro oo mid ka mid ah qoorta laga jaray ayaa maanta la soo dhigay bartamaha degmada Afgooye oo qiyaasti 30-km dhanka koonfyreed kaga beegan magaalada Muqdisho.

Goob joogayaal ayaa sheegay in ay arkeen labada nin oo meyd ah, waxaana magaalada ka jirta maanta guux iyo casbi ay dadka ka qabaan meydadkaasi, iyadoo dadku ay aad uga arga gaxeen ninka madaxa laga gooyey.

Wararka ayaa sheegaya in mid ka mid ah labada nin lagala dagay gaari uu saarnaa halka lagu magacaabo Baar Ismaaciil oo u dhaw Afgooye oo ay Shabaabku koontarool ku leeyihiin.

Qoyska ninkaasi oo codsaday in meydka la siiyo si ay u aastaana waa loo diiday, iyadoo Al Shabaab oo falkaasi sameeyey ay ku adkeysteen in meydadka ay iska yaalaan gudaha degmada Afgooye si dadka ay u daawadaan.

Meydadka madaxa laga soo jaro ayaa waxaa loogaga bartay Al Shabaab, iyadoo meelo badan oo dalka ah ay sidaan oo kale dad badan qoorta uga jareen.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.