Meydadka dad la gowracay oo saaka lagu arkay Degmada Buur Hakaba

Meydka Raxmo Cabdi oo lagu dilay Towfiiq /Muqdisho
Qof la dilay

Sida ay usheegeen Warbaahinta dadka deegaanka waxa saaka lagu arkay Degmadaasi meydadka labo ruux oo shacab ahaa oo qoorta laga jaray.

Ilaa hadda lama oga waxa loo dilay labadaan qofood waxaase dadka deegaanka ay cabsi iyo wal wal ka qaadeen markii ay arkeen meydadkaasi la qoor gooyey.

Maamulka degmada Buur hakaba ayaa ku Eedeeyey falkaan foosha xun inay ka dambeeyeen Ururka Al Shabaab inkastoo weli Al Shabaab aysan ka hadlin falkaasi lagu dhaleeceeyey.

Dhalinyarada meydkooda lagu arkay Buur hakaba ayaa la sheegay inay ahaayeen dadka deegaanka waxaana aysan aheyn markii ugu horeysay oo dad lagu gowraco deegaano katirsan Gobollada Bay & Bakool,

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here