Meydadka dad la gowracay oo laga helay Ceelbuur

Wararka naga soo gaaraya magaalada Ceelbuur ee gobolka Galguduud ayaa sheegaya in halkaasi lasoo dhigay meydadka laba ruux oo qoorta laga soo jaray.

Labadani ruux ayaa ah dhalinyarado waxaana dilay oo qoortana ka jaray Al Shabaab sida ay xaqiijiyeen qaar ka mid ah dadka deegaanka oo ka gaabsaday in magacooda lasoo xigto.

Jirka meydadka waxaa ka muuqda dhaawacyo iyo jir dil sidoo kalana waxa ay ka xirnaayeen lugaha iyo gacmaha sida ay sheegayaan dadki soo arkay, iyadoona cabsi xoog leh ay ka jirto magaalada.

Dadka ayaa sheegaya in dhalinyarada la gowracay lala xiriirinayo in ay la shaqeyn jireen Ahlu Sunna Waljamaaca hase yeeshee ma jiro war madax banaan oo cadeynaya sababta loo dilay.

Al SHabaab ayaa shalay qabsaday Ceelbuur marki ay ka baxeen ciidamada Itoobiya iyo kuwa Ahlu Sunna Waljamaaca oo in muda ahba ku sugnaa.