Meydadka dad la aqoon waayey oo Caawa yaalla Cusbitaalka Madiina

madina_hospital

Waxaa Cusbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho caawa ku meyd barinaya tiro dad ah kuwaasi oo ku geeriyooday qaraxii caawa ka dhacay Maqaaxida Banarama ee ku taalla agagaarka Guriga Hooyooyinka.

Wariye Sharma’arke Abuukar oo ka mid ah Shaqaalaha Radio Kulmiye ayaa isagoo jooga Cusbitaalka Madiina waxa uu sheegay inuu soo arkay meydadka dad gubtay iyo kuwo xubnaha jirkooda go’an yihiin oo qolka meydka Cusbitaalka yaalla lana aqoon waayey.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO WARIYE SHARMA’ARKE OO JOOGA CUSBITAAL MADIINA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here