Meydadka 5 Caruur ah oo Laga Helay Magaalada Nairobi

Ciidamada Booliiska Kenya ayaa baaritaano xoogan ka wada Magaalada Nairobi, kadib marki ay ciidamada Amaanka ay heleen Shan Caruur ah oo la dilay.

Meydadka Shanta caruurta ah ayaa laga helay Magaalada Nairobi, waxayna Booliiska da’dooda ku sheegeen caruur ka hooseeysa 10 sano.

Deegaanka lagu dilay caruurta ayaa lagu magacaabaa Korogocho ee Magaalada Nairobi, waxaana haatan socda baaritaano ay ciidamada ku sameynayaan qaabka uu u dhacay, waxaa sidaa xaqiijiyay Taliye ku xigeenka Booliiska Nairobi Joseph Gichangi.

Dadka Dariska ayaa sheegaya in ay hal guri ka heleen Sadex wiil iyo labo gabdhood, kuwaasoo qol lagu xiray.

Booliiska ayaa sheegay in Caruurta ay Calooshooda ka muuqdeen dhaawacyo culus, waxayna taasi muujineysaa in caruurta ay dileen dad aan la aqoon.

Arintan ayay shacabka Kenya ka argagaxeen, iyagoo dalbaday in la baaro dadka ka dambeeyay dilka caruurta aadka u da’da yar  ee aan waxba galabsan

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here