Meydadka 33 ka tirsan Al Shabab oo maanta lagu aasay Dhuusamareeb

Maamulka Ahlu Sunna ee magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in ay maanta ku aaseen qabuuraha degmada Dhuusamareeb meydadka 33 dagaalyahan oo ka tirsanaa Al Shabaab.

Gudoomiyaha degmada Dhuusamareeb ee maamulka Ahlu Sunna, Sheekh C/raxmaan Geeda-qoroow oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in saakay oo dhan ay ku howlanaayeen sidi ay u aasi lahaayeen meydadka dagaalyahano ka tirsan Shabaab oo ay shalay ku dileen dagaalki qaraaraa ee ka dhacay Dhuusamareeb.

“Maanta waxaan aasnay meydadka nimanki Khawaarijta ahaa, dadkaan ilaa xalay iyo shalay ayaan aruurinayey, waxaan haatan xabaalnay 33, laakin dhimashada guud waa 47 ruux, shalay wixi ay naga dileen iyo inti rayidka aheyd shalay ayaan aasnay,” ayuu yiri Geeda Qoroow.

Xaalada Dhuusamareeb ayaa haatan xasiloon, waxaana gacanta ku haya Ahlu Sunna.

Dadka ayaa bilaabay in ay dib ugu soo laabtaan guryahooda kadib marki ay ka barakaceen dagaaladi cuslaa ee Ahlu Suna iyo Al Shabaab magaalada ku dhexmaray.

Dagaalki shalay ayaa la sheegayaa in ay ku dhinteen in ka badan 50 ruux oo dhinacyadi dagaalamayey ah, iyo sadex ruux oo rayid ah.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.