Mexico oo ku guuleysatay bilada dahibiga Olombikada

Xulka kubada cakta wiilasha Mexico ayaa ku guuleystay biladi dahabiga ahaa ee koobka kubada cakta Olombikada Aduunka marki ay 2-1 uga badiyeen xulka Brazil.

Ciyaarta oo galabta ka dhaday garoonka Wembley ee magaalada London ayaa si weyn loo filayey in Brazil ay barqa cad guul weyn soo hoyn doonto, hase yeeshee iyada ayaa laga yaabsaday.

Goolka koowaad Mexican-ka waxay dhaliyeen ilbiriqsigi 32-aad ee ciyaarta markaas oo uu meel 18 yard u jirto goolka uu ka toogtay Oribe Peralta isaga oo ka faa,ideystay qalad xaga daafaca Brazil ka yimid.

Goolka labaadna wuxu ku yimid marki uu alwaaxa goolka kubad ku garaacay ciyaarayahan Fabian Marco kadibna uu madaxa ku dhameystiray Peralta oo saxiixay labada goolba.

Brazil, oo rajeyneysay in marki ugu horeysay ay soo xareyso bilada dahabiga ee koobkan, ayaa gool heshay dhamaadki ciyaarta kaasi oo uu dhaliyey Hulk, laakin waxaa goolki bar baraha ka qasaariyey Oscar.

Tartankan inti uu socday Brazil waxay kusoo badisay shanti ciyaarood ee kulanki maanta ka horeeyey min 3 gool, waxaana la dhihi karay waxay aheyd kooxda loo saadaalinayey.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here