Mexico oo dhisyeyso buundada ugu dheer caalamka

Madaxweynaha dalka Mexico Felipe Calderon ayaa daah furay buundada Baluarte Bridge  oo ah tan ugu dheer caalamka.

Bariijkaan oo dhererkiisu gaarayo 403m oo u dhiganta (1,322ft) ayaa dul marta toga buuraleyda ah ee Sierra Madre Occidental ee waqooyiga Mexico.

Tani ayaa qeyb ka ah dhismooyin cusub oo ah kuwa waaweyn oo ay dowlada ku rabto in ay ku hagaajiso wadooyinka isku xira gobolka Mazatlan iyo xeebta Baasifika ee Durango.

Saraakiisha buuga lagu diiwaan geliyo mucjisooyinka Guinness World of Records ayaa u aqoonsaday buundadi ugu dheereyd ee qoraan.

Mexico ayaa ugu tala gashay furitaanka buundadaan dabaal daga sanadguurada 200-aad ee kasoo wareegatay marki ay xoriyada ka qaadatay dalka Spain.