Mexico: 7 Bilood jir lagu hor dilay Aabihiis & Hooyadiis

Sawiro naxdin leh oo muujinaya wiil 7 Bilood jir ah oo lagu hor dilay Aabihiis iyo Hooyadiis, ayaa wal wal iyo amakaag ka dhex abuuray dadka reer Mexico, dilkaan ayaa waxaa fuliyay kooxo Gaangiistaro ah oo Daroogada ka ganacsada.

Muuqaalka wiilkan ayaa waxaa lala barbar dhigay muuqaalka wiilkii Syrian-ka ahaa ee meydkiisa laga helay Xeebaha dalka Turkiga (Alan Kurdi), kaasoo soo jiitay dareenka warbaahinta iyo Caalamka oo idil.

30DA82C700000578-3430822-image-a-39_1454542170915

Wiilkan 7 Bilood jirka ah oo magaciisa lagu sheegay Marcos Miguel Pano colon, ayaa waxa uu dhinac jiifay aabihiis oo 24 jir ah laguna magacaabo Juan Alberto Pano Ramos iyo Hooyadiis oo 17 jir ah oo iyadana lagu magacaabo Alba Isabel Colon.

Kooxaha dilka geystay ayaa la sheegay, ineey Rasaas ku fureen Hooyada Aabaha iyo wilka yar, balse uu Ilaaheey ka badbaadiyay saqiirka 7 Bilood jirka ah.

Sawirada Qoyskaan la xasuuqay ayaa qabsaday baraha bulshada dalka Mexico, taasoo keentay in dadka dalkaas ay is weydiiyaan waxa wax looga qaban la’yahay dhibaatada ay kooxaha Burcadka ku haayaan shacabka.

30D9D4DF00000578-0-image-m-5_1454538692001 30D9D4EF00000578-0-image-a-7_1454538869983 30D9D4FF00000578-0-image-a-6_1454538705244 30DA82B600000578-3430822-image-a-38_1454541588028 30DB6AFA00000578-0-image-a-41_1454543962230

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here