Spian oo ku adkaatay 2- Fran 0 – koobka Euro 2012

Cayaarta caawa  waxey ku dhamaatay Spain 00 2  gool dhalisay  waxaana wada dhaliyay laacibka Xabi Alonso oo qaato nambarka 14 daqiiqadahii 19 iyo 90 sidaas ayaay guusha ku raacday kooxda Spain halka Franc e aysan waxba dhalin .

Cayaarta berito ayaa la sugaa cidii soo guuleysato Jarmalka iyo England oo la cayaari doonto Spain.

Laacibka ugu wanaagsan aduunka xaga kubada cakta Lionel Messi ayaa sheegay inuu aad u jeclaan lahaa in koobka Qaramada Yurub ee haatan ka socda dalalka Ukraine iyo Poland uu ku guuleysto xulka Spain.

Kooxda qaranka Spain ayaa difaacaneyso tartankan kadib marki ay hanatay tartanki kan ka horeeyey ee Euro 2008, hada waxay kasoo baxday Group-ka C iyadoo aanan marna dhinaceeda dhulka la dhigin.

Hada Spain saacado yar kadib waxay la ciyaari doontaa kooxda Qaranka ee France oo taariikh ahaan ka awood badneyd, hadii ay ka badiso waxay wareega Semi-finalka garka gelin doontaa dalka ay jaarka yihiin ee Portugal.

Messi oo haatan dalxiis ku marayo caasimada Colombia ee Bogota, isla markaana uga qeybgalay Jimcigi munaasabad sadaqo lagu uruuurinayey  ayaa ka hadlay fikirkiisa ku aadan cida qaadi doonta koobka.

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.