Messi Vs Ibrahimovic..yaa cawada guuleysan doona..Warbixin iyo Sawiro

Kooxaha Barcelona iyo PSG, ayaa labadoodaba ku jira tababarkii ugu danbeeyay oo ay iskugu diyaarinayaan, Ciyaar ka tirsan Champion Leageu, wareega 8-da, labada naadi ayaa mid walbo waxa uu doonayaa inuu guuleysto hal lugna uu la galo wareega 4-ta.

Kadib Ciyaarta dhexmari doonta labadan naadi, ayaa waxaa jirta ciyaar kaloo qaas ah, taasoo dhexmari doonta xidigaha ay labada naadi ku tiirsanyihiin, Zlatan Ibrahimovic, iyo Leo Messi, oo iyaga mid walbo uu doonayo inuu gooldhaliyo kooxdiisana usoo saaro wareega afarta, ama Quarter finalka.

Waxaan shaki ku jirin in Ibrahimovic iyo Messi, ay yihiin gooldhaliyayaasha Caalamka ugu wanaagsan, waxaana taas daliil u ah goolasha ay naadiyadooda u dhaliyeen xili ciyaareedkan, sidaas darted ayaan jecleysanay inaan idiin soo gudbino warbixin ku saabsan Rikoorada ay labada nin sameeyeen xili ciyaareedka.

1-Messi.

Leo Messi, waxa uu sanadkaan koobka horyaalada yurub kaciyaaray 662 daqiiqado, waxa uuna dhaliyay 7 gool, waxa uuna 1 goolka danbeeyaa C.ronaldo iyo Yilmaz oo iyaga 8 gool ku hogaaminaya tartankaan, Messi ayaa intii uu tartankaan socday sameeyay 26 isku day.

Messi, ayaa intii uu tartankaan socday sameeyay 513 baas, waxaana 408 kamid ah baasaskaas ahaayeen kuwo si sax ah u dhacay, ama si kale marka loo yiraahdo 80% waxay ahaayeen kuwo si sax ah uu u baasay.

Messi, intuu tartankaan socday, waxa uu sameeyay hal qalad, halka isaga lagu galay 20 qalad, mana jirin wax calaamad ah oo uu qaatay.

Messi, waxa uu naadigiisa Barca ka caawiyay 3 gool, waxa uuna Hobsed galay laba mar oo kaliya, intii uu tartankaan socdayna waxa uu jaray masaafo dhan 53159m.

2-Ibrahimovic.

Zlatan Ibrahimovic, waxa uu tartankaan ka ciyaaray 613 daqiiqo, laakiin ma samaynin waxa uu Messi sameeyay, waxa uuna saxiixay 2 gool oo kaliya, halka uu 19 jeerna sameeyay isku dayo uu gool ku dhaliyo.

Ibra, yaa sameeyay 353 baas, halka 221 ama 63% ay baasaskaas ahaayeen kuwo saxiix ah.

Ibra, intii uu tartankaan socday waxa uu qaatay Calaamada Casaanka ah halmar, waxa uuna galay qaladaad gaaraya 14, halka isagana 7 mar qalad lagu galay.

Waxa uu galay Hobseedyo gaaraya 13 mar, waxaana uu jaray masaafo dhan 61375m.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here