Messi oo udabaal degaya dhalsshada 25-Guuradiisa

Xidiga reer Arjentine iyo naadigaBarcelonaleo Messi ayaa maanta oo axad ah waxa u buuxsamaya sanadiisa 25-aad.

Messi oo 3 jeer oo isku xigta ku guuleeystay abaal marinta laacibka ugu wanaagsan dunida oo ay ugu danbeysay sanadan 2011 ayaa naadigiisaBarcelonakula guuleeystay dhamaan koobabka laga ciyaaro yurub iyo gudahaspain.

Messi ayaa xili ciyaareedka aynu kasoo gudubnay waxa uu kooxdiisa u saxiixay 50 gool oo horyaalka kaliya ah waxa uuna dhigay rikoor aan wali looga dhigin taariikhda horyaalkaspain, C.ronaldo ayaa kaalinta labaad kugalay 45 gool

Laakiin leo sanadaan kooxdiisaBarcelonauumasan qaadin horyaalkaspainiyo champion league inkastoo uu uqaaday koobka loo yaqaan Delrey

Messi ayaa maanta waxa uu u dabaal dagayaa sanadiisa 25-aad walina waa xidig aad uyar waxaana uu haystaa fursado aad ufarabadan uuna kusameyn karo waxyaabo mucjiso ah islamarkaasna uu taariikhda baal dahab ah kagali karo sida Pele iyo xidiga ay iskuw adanka kasoo jeedaan Maradona.