Messi oo tababarka ku soo laabtay

Messi oo tababarka ku soo laabtay
Messi oo tababarka ku soo laabtay

Lionel Messi ayaa lagu arkay toddobaadkan xarunta tababbarka kooxda Barceloba, waxaana la sheegayaa in uu ka soo kabtay dhaawaca ka soo gaartay muruqa sida ay lee yihiin maamulka kooxda.

Cayaaryahanka reer Argentina ayaa garoomada ka maqnaa tan iyo 10kii bishii November, waxaana jimcihii shaley la arkay asagoo siifcan u cayaaraya.

Sida maamulka kooxda ay sheegeen Sabtida maanta Messi, waa diyaar in uu ka qaybgalo kulanka Axada berri ay kaga soo horjeedaan horiyaalka Liga clash naadiga Elche kaddib markii uu si fiican u dhammeestay tababarkii kooxda.

“Aad ayaan ugu faraxsanahay in aan dib ugu soo laabtay kooxdeyd, waxaan dareemaya wanaag,” 26-jirka reer Argentina ayaa sidaas u sheegay Tencent Weibo and WeChat.”

Barcelona ayaa hadda hoggaamineysa horiyaalka La Liga farqi gool tirsi iyo Atletico Madrid, taasoo Malaga ku aadan Sabtida maanta ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here