Messi oo seegi doona kulanka El Classico ee Axada

Barcelona ayaa weyn doonta xidigeeda weyn ee reer Arjantine Loenel Messi, kulanka ay habeenka Axada la ciyaarayaan kooxda Realmadrid, sababo la xiriira xanuun soo wajahay ciyaaryahanka.

Messi, ayaa saakay ka maqnaay xerada tababarka ee Barcelona, waxaana gurigiisa ku booqday dhaqaatiirta si ay u daweeyaan.

Maqnaashaha Messi, ayaa Barcelona kaga dhigan dhibaato kale soo wajahday iyadoo lawada xasuusto in Barca isbuucaan gudihiisa ay soo gaareen laba guul daro aad u xanuun badan, iyadoo ay kasoo kala adkaadeen kooxdaha Ac Milan, kulan ka tirsan koobka horyaalada Yurub, iyo Realmadrid oo kasoo cirib tirtay koobka boqorka wadanka Spain.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here