Messi oo noqday ciyaaryahankii ugu horeeyay ee 300 Gool ka dhaliya La Liga

Mucjisada kubada cagta Barcelona Lionel Messi, ayaa xalay sameeyay Taariikh u gaar ah, kadib markii uu noqday ciyaaryahankii ugu horeeyay ee 300 Gool ka dhaliya La Liga-ha Spain, Messi ayaa 5 daqiiqo kadib dhaliyay Goolkiisi 301-aad.

Messi ayaa awooday isbuucii hore inuu sameeyo Rikoorkan, kulan ay ka horjeedeen Celta Vigo, markaasoo uu Rigoore helay, balse Lio ayaa Rigooradii u baasay saaxiibkiis Suarez, taasoo noqotay hadal haynta ugu badan kubadda Cagta.

Messi oo u dabaal degaya Goolkiisi 300-aad ee La Ligaha-majirin ciyaaryahan horay u sameeyay sidan
Messi oo u dabaal degaya Goolkiisi 300-aad ee La Ligaha-majirin ciyaaryahan horay u sameeyay sidan

Kaliya 25 daqiiqo ayay ku qaadatay Messi inuu meel 25 yaardi u jirta Goolka uu ka dhaliyo Goolkiisi 300-aad ee xalay kullan ay ka horjeedeen Sportin.

5 daqiiqo Kadib Messi waxa uu dhaliyay Goolkiisi 301-aad, waxaana uu markaan ka dhaliyay meel Goolka u jirta 10 Yardi, sidoo kale Goolkaan ayaa ahaa kiisi 15-aad ee Horyaalka.

Xidigan oo 4 mar oo isku xigta iyo sanadkaanba ku guuleeystay abaal marinta Ballon d’Or, ayaa guud ahaan Barca u saftay 334 kullan.

__messi1_2695709a

Messi oo la dabaal degaya saaxiibkiis Adriano kahor inta uusan dhalin Goolkiisi 301-aad
Messi oo la dabaal degaya saaxiibkiis Adriano kahor inta uusan dhalin Goolkiisi 301-aad

Messi, ayaa naadigiisi Barcelona oo hada ku hogaamineysa Horyaalka 6 dhibcood ka saaciday inaan 30 kullan oo xiriir ah dhinacooda dhulka la dhigin.

Messi ayaa isagoo 17 jir ah Barca u dhaliyay Goolkiisi 1-aad, waxayna markaas ahayd Bishii May 1-deeda 2005.

Halkaan ka daawo dhamaan Goolashii uu Messi u dhaliyay Barca ee 300 ah:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here