Messi oo markii afaraad ku guuleestay abaalmarinta Ballon d’Or

Lionel Messi ayaa markii afaraad oo isku xigga ku guuleestay abaal marinta ay bixiso hey’adda kubadda cagta adduunka FIFA’s Ballon d’Or  ee sannadka 2012.

Weerraryahanka reer Argentine iyo kooxda FC Barcelona ayaa ku guuleestay codadkii ugu badnaa markii uu ka adkaaday Ronaldo iyo Iniesta.

Waxa uu dhigay Rikood sannadkan 2013-ka, waxana uu jabiyay rikood horrey ugu yiilay xiddiggii hore ee reer Jermal ee  Gerd Müller oo sannadkii 1972  dhaliyay illaa 85 gool.

Messi ayaa dhaliyay 91 gool sannadkii hore ee 2012ka.

Waxa uu helay codadkii ugu badnaa oo ah 41.6%, halka uu Ronaldo oo kaalinta labaad galay uu isna helay – 23.7% iyo Iniesta oo isna aruursaday cod gaaraya – 10.9%

Si kastaba wariyaasha ka soo waramayay magaalada Zurich waxa ay lee yihiin waa la filaayay in Messi uu markii afaraad oo isku xigga uu ku guuleesan karo abaalmarinta FIFA’s Ballon d’Or.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here