Messi oo magaciisa ku qoray Buuga Taariikhda Sawiro

Xidiga ugu wanaagsan dunida Leo Messi, ayaa xalay dhigay Taariikh, waxaana uu magaciisa ku qoray buuga Taariikhda, kadib markii uu gool kadhaliyay kooxda Celta Vigo, ciyaartaasoo ku dhamaatay 2/2.

Messi ayaa xalay ku guuleystay inuu soo bareejeeyo rikoor uu horay u dhigay CR7, kaasoo sanadkii hore dhamaan kooxha kaciyaara horyaalka Spain ka dhaliyay goolal, laakiin Messi waxaa u dhiman inuu gool kadhaliyo Kooxdiisa Barcelona.

Kadib koolkii uu xalay kadhaliyay Celta Vigo, Messi waxa uu noqonayaa laacibka labaad ee Taariikhda horyaalka Spain ee dhamaan goolal kadhaliya kooxaha horyaalkaas, marka laga yimaado CR7, oo rikoorkaan horay u dhigay.

Messi, ayaa 19 kulan oo xiriir ah waxa uu dhalinayay goolal, waxaana wadarta isku darka goolashaas ay gaarayaan 30 Gool.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here