Messi oo maanta baaritaan caafimaad maraya, kaddib markii uu dhaawacmay

Tababaraha kooxda Barcelona Vilanova , ayaa dadka wararka fidiya u sheegay in maanta oo Isniin ah baaritaan caafimaad lagu sameen doono ciyaaryahanka reer Argentine Lionel Messi, kaasoo ka dhaawacmay seedda lugta midig,kaddib markii uu ku dhaawacmay ciyaar 2 iyo 1 ay kooxda Barcelona kaga adkaatay kooxda Atletico Madrid Axadii shaley.

Ciyaaryahanka ayaa ku dhaawacmay qaybtii labaad ee ciyaarta, waxaana uu sheegay macalin Vilanova in maanta galinka dambe.

Kooxda Barca ayaa hadda u muuqda in ay ku guuleesatay horiyaalka La Liga, maadama kooxda ku soo xigta ee Real Madrid barbardhac lagashay Sabtiidii kooxda Espanyol.

Tababaha kooxda ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay doorka kooxdiisa ay qaadatay xilli ciyaareedkan in kastoo uu yiri waxaan rabnay in aan ku guuleesano horiyaalka Champions League haddana waxaan ku harnay heerka semi-finals-ka.

Ugu dambeen macalin Vilanova ayaa hoosta ka xariiqay in 100% uu hubo horiyaalka in ay ka dhigi doonaan iskoor cusub oo ah in ay ku dhammeestaan 100 dhibcood.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com


LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here