Messi oo kusoo baxay goolhaye qatar ah

Weeraryahanka kooxda Barcelona Lionel Messi ayaa todobaadkaan mar kale kusoo baxay bogaga hore ee wargeysyada kasoo faaooda Isboortiga isaga oo markaan goolhaye ah.

Messi todobaadki hore iyo todobaadkan isaga ayaa ka yaabiyey aduunka, waxaana uu laba kulan oo uu saftay dhaliyey 7 gool, shan uu ka dhaliyey kulanki ay Barcelona 7-1 kaga badiyeen kooxda Bayer Leverkusen iyo laba gool oo uu ka dhaliyey Axadi kooxda Racing Santander.

Haatan waxa uu dhaliyey xilli ciyaareedkan 50 gool dhamaan tartamadi uu ka qeybgalay, waxaana uga dhiman shan gool oo qura inuu noqdo ninka ugu goolasha badan ee taariikhda soo maray kooxda Barcelona, iyada oo uu horay u ahaa Cesar Rodriguez, oo leh 230.

Si kastaba ha ahaatee saaxibkisii Carles Puyol ayaa bogiisa Facebook kusoo daabacay sawirka Messi oo goolhaye ah isla markaana si layaab u badbaadinaya goolka.

Isniinti shalay aheyd ayuu 24 jirkan u dhashay dalka Argentine ka qeybgalay tababarka isaga oo ciyaarayey doorka goolhayaha.
“Waxaan daawaday haatan wax walba, xitaa isaga oo goolhaye ahsi wanaagsan ayuuna u sameeyey ninkan aqyaarka ah,” ayuu yiri.