Messi oo ka soo muuqanaya kulanka Barcelona ay la yeelaneyso Getafe

Messi oo ka soo muuqanaya kulanka Barcelona ay la yeelatay Getafe
Messi oo caawa cayaari doona kulanka Getafe

Cayaaryahanka reer Argentina ayaa caawa oo Arbaca ah ka soo muuqanaya kulanka kooxda Barca ay la yeeleneyso Getafe  kaddib markii muddo labo uu garoomada dhaawac uga maqlaan.

Balse waxaa la xaqiijiyay in ay ka maqan yihiin kooxda Dani Alves, Xavi iyo Marc Bartra kuwaasoo dhammaantood dhaawac qaba

Lionel Messi ayaa ku jira cayaarta loo xulay kulanka caawa ee Copa del Rey  sida uu sheegay tababarre Martino.

Xidigga reer Argentina ayaa ku dhaawacmay cayaar ay la cayaartay kooxdiisa Barca ay 4 iyo 1 uga adkaatay horiyaalka Liga kooxda Betis bishii November sannadkii 2013 tan iyo xilligaas garoomada wuu ka maqnaa.

Messi ayaa ka maqnaa kulankii ugu horreeyay ee Barcelona billowga sannadkan 2014 ay la yeelatay  Elche.

“Leo wuxu daremayaa wanaag. Wuxuu tababarka kusoo laabtay isagoo fiican, aad ayuuna ugu farax san yahay in uu cayaaro caawa,” Martino ayaa sidaas saxaafadda u sheegay kaddib markii uu shir jaraa’id qabtay.

Messi ayaa ka mid ah seddax cayaartoy uu isku soo haray cayaaryahanka ugu wanaagsan adduunka, waxaana ku wehliya Ronaldo iyo Ribery.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here