Messi oo jebiyey rikoorka goolasha Barcelona +Sawiro

Lionel Messi ayaa jebiyey rikoorka 60-sano jirka ahaa ee xaga gool dhalinta kooxda Barcelona kadib marki uu xalay dhaliyey sadaxle ‘hat-trick’ ciyaar ay kooxdiisa 5-3 kaga awood roonaatay naadiga Granada.

Kulankaasi oo ka tirsanaa horyaalka Spain ee La Liga ayaa ka dhacay garoonka Nou Camp ee ay caanka ku tahay kooxda Barcelona, waxa uu Messi haatan rikoorka cusub ku dhigay 232 gool.

Messi ayaa bareejeeyey rikoorkaasi oo uu horay u heystay laacibki hore ee Barcelona daqiiqadi 17-aad oo uu goolka dhaliyey, waxaana jabiyey rikoorka daqiiqadi 68-aad.

Xidiga sare ee dalka Argentine ayaa keenay goolkiisi sadexaad kadib marki uu baas qurux badan ka helay Dani Alves.

Xarunta Dukumintiyada iyo Cilmibaarista ee Barcelona iyo Wargeyska La Vanguardia ayaa warbixin ay isla soo saareen ku sheegay in ay wadaan baaritaan ay ku hibanayaan rikoorki uu horay u dhigi laacibki hore ee kooxda Cesar Rodriguez kaasi oo uu dhigay 1950-meeyadi.

Cesar Rodriguez ayaa ah laacibka uu Messi ka qaagtay haatan rikoorka gool dhalinta Barcelona, waxaana la leeyahay waxaaba jiro nin kale oo kasii goolal dhalis badnaa oo horay usoo maray Barcelona kaasi oo lagu magacaabo Paulino Alcantara.

War ay soo saartay Barcelona ayey kaga hadashay arintaasi ku aadan sida ay u kala sareeyeen xaga goolasha Paulino Alcantara iyo Cesar Rodriguez.

“Waxaa mudan in aan idin ogeysiino in Cesar Rodriguez uu yahay ninki ugu goolasha badnaa rasmiyan, laakin Paulino Alcantara waa laacibka guud ahaan ciyaaraha rasmiga ah iyo kuwa saaxibtinimo ee ay kooxda ciyaartay ugu badan waxa uu dhaliyey 369 gool 357,” sidaasi ayey Barca ku tiri war ay kusoo daabacday bogeeda internetka.

Messi, oo ah 24 jir ayaa ah xidiga aduunka, waxa uu haatan la joogaa Barcelona xilli ciyaareedkiisii sideedaad, xilli ciyaareedkan wuxuu dhaliyey 54 gool dhamaan tartamadi uu ka qeybgalay.

Xitaa waa ninka ugu sareyo gool dhalinta horyaalka La Liga isaga oo saxiixay 34 goal 27 kulan oo horyaalka ah, waxa uu laba gool ka sareeyaa laacibka Real Madrid Cristiano Ronaldo, kaalinta sadexaadna waxaa dagan Falcao oo u safta Athletico Madrid waxa uu leeyahay 17 goals.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.