Messi oo jebiyay Rikoor u yaallay Barcelona

Weerrar yahanka kooxda Barcelona, Lionel Messi ayaa jebiyay rikoor u yaalay kooxdiisa kaddib markii uu xaley dhaliyay mid ka mid ah labada gool ee looga adkaaday kooxda Deportivo La Coruna horiyaalka dalka Ingriiska ee La Liga Sabtidii.

Messi ayaa noqday ciyaaryahankii ugu horreeyay ee 17-kulan oo isku xiga ka dhaliya gool horiyaalka dalka Spain, ciyaaryahanka ayaa dhaliyay gool waqti dambe dhashay garoonka Camp Nou.

Xidiggan reer Argentine ayaa jebiyay rikoorkii u yaalay ciyaaryahankii reer Boolish  Teodor Peterek, kaasoo 16-kulan oo isku xigga ka dhaliyay gool, horiyaalka Spain sannadihii 1937/38 .

Messi ayaa hadda dhaliyay 40 gool 27-kulan oo ciyaaray horiyaalka  La Liga .

Barca –ayaa hadda hogaanka ku heysa kala horeynta horiyaalka 14-dhibcood, kaddib markii xaley ka adkaatay kooxda   Deportivo La Coruna.

Xidiggaha kala ah Messi, Andres Iniesta, Sergio Busquets iyo Gerard Pique ayaa xaley keydka ku soo billowday oo ciyaarta ayey dusha kala socdeen.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here