Messi oo in ka badan labo bil garoomada ka maqnaanaya

messi_2430891b

Kooxda Barcelona ayaa xaqiijisay in Lionel Messi uu garoomada ka maqnaan doono lix ama siddeed toddobaadk kadib markii uu ku dhaawac ka soo gaaray muruqa bidix.

Xidigga reer Argentine, ayaa la sheegay in uu ku soo kacay dhaawac heestay muddo, waxaana laga saaray garoonka daqiiqadii 21-aad Axadii markii ay la cayaareen kooxda Betis horiyaalka Spain.

26-jirkan ayaa Isniintii shaley la saaray baaritaan dheeri ah,waxaana dhakhaatiirta ay lee yihiin wuxuu garoomada ka maqnaan doona inta u dhexeysa lix ilaa siddeed toddobaad.

Dhaawaca soo gaaray Messi wuxuu seejin doonaa cayaaraha koooxda ay la kala yeelan doonto Granada, Ajax, Celtic, Villarreal iyo  Getafe, iyo sidoo kale labada lug ee Copa del Rey oo ay isku dhici doonaan Cartagena.

Messi waa dhaawicii ugu xumaa ee soo gaara sannadkan sii dhammaanaya sidaas waxaa sheegay macalinkiiisa Tata Martino, bishii September ayuu dhaawac ka soo kabsaday.

Dhinaca kale, Fabregas ayaa laga saaray cayaartoyda xulka Spain ee la cayaaraya xulalka Guinea iyo South Africa oo ah kuwa saaxibtinimo.

Waxaa la sheegay Kabtankii hore ee Arsenal in uu ka dhaawacmay Jilibka 10kii daqiiqo ee cayaartii Betis waxaana lagu bedalaya Marc Bartra oo isku koox yihiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here