Messi oo dalkiisa hooyo kusoo qatimi doono ciyaraha kubada cakta

Laacibka ugu fiican kubada cakta aduunka Lionel Messi ayaa sheegay inuu kusoo qatimi doono waayahiisa kubada cakta dalka uu kasoo jeedo ee Argentine ka hor inta uusan ka fariisan.

Xidigaan 24 jir-ka ah ayaa sheegay inuusan u ciyaari doonin koox ka dhisan qaarada Yurub oo aanan aheyn kooxda Barcelona hadiiba uu ka tagayo naadiga.

“Marka aan ka hadlayo Europe waxaan rabaa in aan u ciyaaro Barcelona, halkaan ayaan iska sii joogi doonaa waayo waa meel la iga jecelyahay, ka hor inta aanan iska casilin ciyaaraha waxaan ka dheeli doonaa dalkeyga,” ayuu yiri.

Dhanka kale waxa uu si weyn ugu faraxsanyahay lakulanki uu la sameeyey Ronaldo habeenki la gudoon siinayey abaal marinta xidignimada aduunka habeenkii Isniinta.

Messi oo ka hadlayey faraxada xidiga aduunka iyo abaal marinti baanooniga dahabiga ah ee Fifa ayaa sheegay in faraxada xidignimada aduunka ay u wehlisay kulanka Ronaldo oo uu sheegay inuusan fileyn.

Ronaldo ayaa gacantiisa ku gudoonsiiyey Messi abaal marinta xidignimada aduunka isaga oo ku tilmaamay taasi arin ka yaabisay oo uu aad ugu farxay maadaama Ronaldo uu yahay mid ka mid ah mucjisooyinki kubada cakta caalamka.

“Aad ayaan ugu farxay marki aan la kulmay, waligeey waxaan ka daawan jiray goolashiisa yaabka leh dhalada ama shaashada, laakin waxaan la yaabay in aan la kulmo ninkaan dhoola cadeynta badan,” ayuu yiri Messi.

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.