Messi Dhibaato kuma ahan Barcelona – Neymar

Messi Dhibaato kuma ahan Barcelona - Neymar
Messi Dhibaato kuma ahan Barcelona – Neymar

Xiddiga Barcelona, Neymar ayaa meesha ka saaray Lionel Messi in uu dhibaato uu ka abuuray kooxda.

Cayaaryahanka reer Argentine ayaa dhaawacyo soo gaaray waxay sabab u noqotay in kooxda ay lumiso koobab badan oo uu ku jirra horyaalka ee Champions League oo ay ka reebtay Atletico Madrid bishii April.

Si kastaba, cayaaryahanka reer Brazil ayaa difaacay eedamaha loo soo jeediyay weerarka ay isku kooxda yihiin, kaasoo xilli cayaareedkan wax badan u qaban Catalans-ka.

“Anniga fikirkeyga waxa weeye, Messi waa cayaaryahanka ugu fiican ee aan arkay, Ma arkin isaga oo kale, Waan difaaayaa illaa inta aan ka dhimmanaayo, Waan xalkeena ee ma ahan dhibaato in uu kooxda ku hayo,” Neymar ayaa laga soo xigtay isagoo la hadlay Wargeyska Sport ee ka soo baxa dalka Spain.

Dhinaca kale, Neymar ayaa doonaya in uu sannadkan ka soo dhex muuqda koobka adduunka oo bisha soo socda billaabanaya.

Koobka adduunka ayaa lagu qaban doonaa dalka Brazil.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here