Meles Zenawi: Howlgalkeena labaad waa Kismaayo

Ra’isulwasaaraha dalka Ethiopia Meles Zenawi ayaa ka shan qariyey in ciidamdiisa ay sii balaarin doonaan howlgalada ay ka wadaan dalka Soomaaliya kadib hadal uu siiyey warbaahinta.

Sida ay qoreen qaar ka mid ah warbaahinta Ethipia, Males ayaa carabka ku dhajiyey in howlgalka labaad ee ay ciidamadiisu ka fulin doonaan Soomaaliya ay tahay sidi ay weerar ugu qaadi lahaayeen magaalada Kismaayo oo ay aad ugu xooganyihiin Al Shabaab.

Waxa kale oo uu sheegay in ay balaarin doonaan goobaha ay ka joogaan koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya isla markaana ay dagaalo kale ku qaadi doonaan Al Shabaab.

“Waxaan ku goosanay in aan xoojino dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab ee koonfurta iyo bartmaha Soomaaliya, Ethiopian-ku waxay waxay qibrad u leeyihiin sida loo yareeyo awooda maleeshiyaadka,” ayuu yiri Males.

Mr. Zenawi ayaa laba jeer oo hore ku cel celiyey in ciidamadiisa uu kala bixi doono Soomaaliya sida ugu dhaqsaha badan, hase yeeshee warkaan kasoo baxay ayaa shaki gelinaya joogitaanka ciidamada Itoobiya inta ay qaadan doonto.

Itoobiya ayaa haatan ciidamo ka joogaan magaalooyinka, Ceelbuur, Guriceel, Baladweyne, Baydhabo, Xudur iyo Luuq.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.