Meles Zenawi: ‘Ciidamadayadu way ka baxayaan Somalia sida ugu dhaw uguna dhaqsaha badan’

Ra’isulwasaaraha dalka Itoobiya Meles Zenawi oo marki ugu horeysay ka hadlay soo galitaanka Soomaaliya ee ciidamadiisa ayaa ka dhawaajiyey in dalka ay uga bixi doonaan sida ugu dhaw uguna fudud.

Isaga oo wariyaasha kula hadlayey shalay oo Jimca aheyd ayuu Meles Zenawi qiray in ciidankiisa ay ka gudbeen xuduuda una talaabeen dalka ay dariska yihiin ee Soomaaliya, isaga oo taasi ku sababeeyey codsi uga yimid dolwada Federaal KMG Soomaaliya.

“Go,aanka waa mid aan ku taageereyno dowlada TFG-da ciidamadeenuna waan lasoo bixi doonaa sida ugu dhaw uguna macquulsan, ma dooneyno in aan marnaasho sameyno oo waxaanu rabnaa in aan ku wareejino AMISOM deegaanada aan hada qabanay ka hor inta aanan ka bixin,” ayuu yiri.

Cutubyo ka tirsan ciidamada Itoobiya ayaa soo galay dalka Soomaaliya bishi November si ay ula dagaalamaan Al shabab oo ay ka qabsadeen magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Howlgalka Midowga Africa ee Soomaaliya (AMISOM) ayaa waxaa hada Muqdisho ka wada ciidamo gaaraya 10,000 oo askari si ay uga hor tagaan Al Shabab una difaacaan dowlada ay taageerto Qaramada Midoobay.

Talaadadi lasoo dhaafay dagaalyahan ka tirsan Al Shabab ayaa isku qarxiyey magaalada Baladweyne waxaana la rumeysanyahay in halkaas ay ku dhinteen ciidamo ka tirsan kuwa Itoobiya.

Ethiopia waa marki labaad ay ciidamo usoo direyso Soomaaliya, sanadki 2006 ayey aheyd makri ugu horeysay xiligaas oo ay dalka ka saareen xoogagi Maxaakiimta Islaamiga ah ee SOomaaliya, sadex sano kadib ayey ka baxeen dalka.
Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.