Meerayihii dakada Muqdisho oo xilka laga qaaday

+

Madaxweynaha dowlada KMG Soomaaliya ayaa xilki ka qaaday maareeyaha Dekada Caalamiga ah ee Muqdisho kadib ashtakooyin iyo muran badan oo ka dhashay go,aano uu horay u gaaray.

Warar ku dhow dhow Madaxtooyada ayaa sheegaya in kulanka oo ahaa mid ku saabsanaa sidii Maareeyaha uu u soo gudbin lahaa warqadiisa istiqaalada ugu dambeyn isaga iyo Madaxweynaha ay isku afgarteen.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in sababaha ugu weyn ee xilka looga qaaday Maareeyaha Dekeda Muqdisho ay tahay, kadib markii ay sii xoogeysteen cabashada ka imaanayay Xoogsatada Dekeda oo ku eedeeyay Maareeyaha inuu lacag badan ka musuq maasuqay.

Madaxweynaha ayaan wali magacaabin Maareeyaha Dekeda Muqdisho, iyadoo la filayo in maalmaha soo socda uu sida ugu dhaqsiyaha badan uu Maareeye cusub ku magacaabo Madaxweynuhu.

Sayid Cali Macalin Cabdulle ayaa sanad iyo bar hayay maamulka Dekeda Muqdisho, waxaana uu ka mid ahaa shaqsiyaadka aadka ugu dhowaa Madaxweyne Shariif.

Dekeda Muqdisho ayaa la rumeysan yahay inay ka mid tahay ilaha dhaqaale ee ugu weyn dowladda ka hesho lacagaha, iyadoo Dekeda ay xilligan ka soo degaan agabyo ganacsi, oo isugu jira raashin, alaabo iyo gawaari.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.