Md Xasan Shiikh:Lacaga doowlada loogu deeqay sooma mari doonaan Hay’adaha UN-ka

Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud, ayaa sheegay in lacagaha loogu yaboohay doowlada Soomaaliya shirkii 7da bishaan May ka dhacay magaalada London, aysan soo mari doonin hay’adaha Caalamiga ah.

Madaxweynaha ayaa sheegay in lacagahaas ay leeyihiin Shacabka Soomaaliyeed iyo doowladooda, laakiin madaxweynaha waxa uu qeexay in hay’adaha doowliga ah ay doowlada ka caawin karaan oo kaliya sidii loo soo aruurin lahaa lacagahaas.

Madaxweynaha ayaa xusay in marka ay soo aruurto lacagahaas ay kala gaarsiin doonaan shacabka Soomaaliyeed, kuwaasoo ku kala nool dhamaan gobolada dalka, iyadoona look ala hor marin doono sida ay u kala baahi badanyihiin.

“…Maalgalinta la ballan qaaday waxaa iska leh doowlada Soomaaliya iyo shacabka Soomaaliyeed, hay’adaha kaloo caalamiga ah wax weey ka dhaqan galin karaan, laakiin iyaga masoo mari doonto…” ayuu yiri madaxweynaha.

Madaxweyne Xasan Shiikh, ayaa sidoo kale sheegay in waqtigaan aan lajoogin waqtigii Khilaafka amalays qab qabsan lahaa, balse waxa uu xusay in shacabka Soomaaliyeed ay guusha gacantooda ku jirto, lagana doonayo ineey gacmaha is qabsadaan.

“…Waqtigii Khilaafka maahan waqtigaan, waqtigii is qab qabsiga maahan waqtigii is xamashada maahan, waqtigaan waa waqtigii lays garab istaagayay lays kaashanyay, gacmaha si wada jir ah laysku qabsanayay, wixii noo qabsoomay oo horay noogu qabsoomayna loo ilaalin lahaa waaye….” Sidaa waxaa yiri Md Xasan Shiikh.

Doowladihii KMG ahaa ee dalka kasoo talin jiray, ayaalacagaha ay beesha Caalamka ugu yaboohdo, waxaa loo soo marsiin jiray hay’ado Caalami ah oo hoostaga UN-ka, kuwaasoo inta badana lacagta shaaribka iskamarin jiray, balse doowlada Federaalka ee hada jirta taas waa ay ka duwantahay maadaama madaxweyne Xasan Shiikh uu sheegay ineysan soo mari doonin lacagaha loogu yaboohay Soomaaliya hay’ado.

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here