Madaxweynaha oo shacabka Muqdisho ugu baaqay ineey la shaqeeyan doowlada

Madaxweynaha doowlada Federaalka Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud, ayaa shacabka Muqdisho ku dhaqan ka codsaday iney la shaqeeyaan doowlada Soomaaliya, iyo maamula kajira degmooyinka gobolka Banaadir.

Madaxweynaha ayaa xusay in hadii aysan wada shaqayn dhexmarin shacabka iyo masuuliyiinta doowlada aan amaanka la sugi Karin wax nabad ahna la heleyn.

Dhanka kale waxa uu maamulada degmooyinka ka dalbada ineey kasbadaan kalsoonida shacabka ay madaxda u yihiin.

“Halala shaqeeyo maamulada degmooyinka, maamulada waxay u taaganyihiin bilowgii doowladnimada, barnaamijyadooda hala taageero, haloo dhaga nuglaado, iyagana waxaan leenahay dadkiina u dabacsanaada oo u naxariista” ayuu yiri madaxweyne Xasan Shiikh.

Madaxweynaha ayaa shalay ka qayb galay xaflad ka dhacday degmada deyniile, kaasoo uu soo qaban qaabiyay maamulka Cusub ee dhawaan doowlada ay u magacaawday degmadaas.

Degmooyinka gobolka Banaadir qaarkood, aya wali waxaa kajira amaan xumo iyo dhibaatooyin farabadan, waxaana jira degmooyin aysan doowlada si rasmi ah u maamulin islamarkaasna ay dhaq dhaqaaq ka sameeyaan Al-shabab, sida degmooyinka (Yaaqshiid, Huriwaa, iyo Deyniile).

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here