Md, Xasan Shiikh oo maanta Kormeeray Dekeda Muqdisho Sawiro

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federalka Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud, ayaa manta markii ugu horeysay booqasho ku tagay dekeda weyn ee magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa markii uu gaaray dekeda Muqdisho, waxa uu kulamo la yeeshay masuuliyiinta maamusha halkaas, iyagoona uga warbixiyayay sida ay howsha usocoto, iyo horumarka ay ku tallaabsatay dekeda.

Dekeda Muqdisho ayaa maalmihii ugu danbeeyay waxaa lagu sameeynayay dib u ballaarin weyn, waxaana dhawaan laga soo saaray qashin iyo maraakiib ku quustay halkaas, waxaana hada kusoo xirta maraakiib waaweyn oo Caalami ah.

 

Daawo Sawirada Madaxweynaha:

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here