Maxweynaha oo maanta booqanaya qaar kamid ah Xaafadaha Muqdisho

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud, oo magaalada ADDIS-ABABA uga soo qayb galay shir ay lahaayeen madaxda urur goboleedka IGAD, ayaa lagu wadaa inuu maanta gelinka hore dib ugu soo laabto dalka.

Wafdiga madaxweynaha ayaa waxaa garoonka Aadan Adde kusoo dhaweyn doona Ra’iisul wasaare Saacid iyo qaar kamid ah golihiisa wasiirada oo haatanba ku sugan gudaha garoonka.

Madaxweynaha ayaa la sheegay inuu booqan doono qaar kamid ah xaafadaha degmooyinka gobolka Banaadir.

Booqashada madaxweynaha ee Xaafadaha Muqdisho, ayaa la sheegay inuu kusoo afjari doono xayirnaantii maalmahaanba ka taagneyd wadooyinka waaweyn ee magaalada.

Warar hoose oo aan helnay ayaa sidoo kale cadeeynaha in maanta xayiraada laga qaadi doono wadooyinka magaalada, oo 5tii maalin ee lasoo dhaafay xirneyd, islamarkaasna dadweynaha ay ahaayeen kuwo lugtooda maalayay meel walbo oo ay magaalada ka rabaan.

Saameynta ugu badan kala xirnaanta wadooyinka waa weyn ee magaalada Muqdisho, waxay ku yeelatay ardayda dhigata Iskuulada iyo Jaamacadaha, kuwaasoo qaarkood uu usocday Imtixaan, sidoo kale waxay sameysay dadka ganacsatada ah ee goobaha ganacsi ku leh Suuqyada waa weyn ee magaalada.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here