Md, Xasan Shiikh oo ka hadlay dhibaatada sicir bararka

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federalka Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud, oo maanta shir jaraa’id ku qabtay aqalka madaxtooyada ee Villa Somalia, ayaa ka hadlay dhibaatada sicir bararka ee maalmahan kajirtay magaalada Muqdisho, iyo qalqalka ku yimid sarifka iyo Maciishada guud ahaanba.

Madaxweynaha, ayaa ka dhawaajiyay in dalka Soomaaliya dhanka siyaasada iyo amaanka kaliya uusan ka dhibaateysneen, balse dhinaca dhaqaalaha sidoo kale uu ahaa dal ka dhibaateeysan.

Madaxweynaha, inkastuu ka hadlay hoos u dhaca ku yimid qiimaha sarifka doolarka, iyo sarakaca ku yimid qiimaha maciishada, hadana kama uusan hadlin waxyaabaha sababay hoos u dhacaas, iyo tallaabada ay qaadeyso doowlada uu hogaamiyo.

Hadalka madaxweynaha ayaa u muuqday mid aan waxbo ku soo kordhineyn dhibaatada maalmahaan ka taagneyd hoos udhaca ku yimid sarifka lacagta doolarka, sidookale baarlamaanka ayaa manta ka hadlay hoos udhacan ku yimid dolarka.

Madaxweynaha ayaa sheegay in shilinka Soomaaliga ah uu xogeystay doolarkana uu qiimo dhacay, laakiin taas faa’iido uma ahan umadda Soomaaliyeed gaar ahan reer Muqdisho, maxaa yeelay waxaa cirka isku siis hareeraya qiimaha lagu kala iibsado maciishada, sidoo kale waxa qaali qiimaha lagu raaco gaadiidka, sidaa darted waxaa doowlada looga baahanyahay in ay suuqa soo galiso lacagta shilinka Soomaaliga ee ay bangiyada ku hayso.

Madaxweynaha ayaa codsi u diray Caalamka, kaasoo ku aadan ineey lasoo gaaraan raashin lasiiyo dadka masakiinta ah, si uu u jabo qiimaha lagu kala iibsado maciishada daruuriga ah.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here