Md, Xasan Shiikh oo digniin u diray maraakiibta shisheeye..Sawiro

Madaxweyne Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa digniin u diray maraakiibta shisheeye ee sida sharcidarada ah uga kaluumaysta xeebaha Soomaaliya kuwaas oo uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay il gaar ah ku eegi doonto.

Madaxweynaha jamhuuriyشdda Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta koormeer ku tagay xarunta Warshadda Wadani oo ka shaqeysa kaluunka ayaa ugu horeyn waxaa halkaasi ku soo dhaweeyay madaxda shirka iyo wasiirka kheyraadka dalka.

Ugu horeyn Madaxweyne Xasan ayaa socdaal kumaray qeybaha warshadu ay ka koobantahay waxaana warbixin laga siisay sid ay shirkadu u shaqeeyso.

Wasiirka kheyraadka dalka C/riasaaq Cumar Maxamed oo goobta ka hadlay ayaa faah-faahin ka bixiyay wadamada shirkadaan ay u iibgeyso kaluunka waxa uuna sheegay in dhamaan wadamada dariska ah loo iibgeeyo Kaluunka.

Madaxweynaha dalka oo hadalka qaatay ayaa tilmaamay in dadka Soomaliyeed ay taariikh u leeyihiin kaluunka mudda fogna ay soo saranayeen isaga oo tilmaamay bilaawgii xoriyada dalka Soomaaliya ay laheyd shirkado waa weyn oo ka shaqeeya Kaluunka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo hadal qaaday shirka buracbadeeda looga hadlayay ee New York isagoona sheegay in uu ka jeediyay khudbad uu uga hadlayay kaluumeeysiga sharci darada ah ee lagu haayo xeebaha dalka Soomaaliya isagoona xusay in laga qaadayo talaabo maraakiibta sida sharcidarada ah uga kaluumeysato xeebaha dalka.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here