Md, Xasan Shiikh iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray dalka Qatar

Madaxweynaha doowlada Federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Shiikh Maxamuud, iyo wafdi uu hogaaminayo oo shalay galinkii danbe ka dhoofay garoonka diyaaradaha ee magaalada muqdisho, ayaa gaaray magaalada Dooxa ee dalka Qatar.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa casuumad rasmi ah ka helay madaxweynaha dalka Qatar  Sheikh Hamad bin Khalifa Al-Thani, waxaana halkaas uga sii horeeyay mid kamid ah golaha wasiirada, kaasoo usii gogol xaarayay safarka madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa lagu wadaa inuu kulan la qaato madaxweynaha Qatar, Sheikh Hamad Bin Khalifa Al-nahyan, waxaana doowlada Qatar lagu xantaa ineey ahayd doowladii maalgalisay ololihii doorashada madaxweyne Xasan iyo xisbigiisa.

Sidoo kale doowlada Qatar, waxaa horay loogu xaman jiray ineey taageero maaliyaded ufidiso ururka Al-shabaab, iyadoo dhowr mar lagu xusay warbixin ay QM kasoo saartay xaalada Soomaaliya.

Maalinta Salaasada ah (5/3/2013) ayaa Madaxweynuhu khudbad ka jeedin doonaa Hotel Sheraton, waxaana muxaadaradaas soo qabanqaabiyey Telefishanka al-Jazeera oo xaruntiisa ugu weyn ay ku taalo dalka Qatar.

Safarka madaxweyne Xasan Shiikh ee dalka Qatar, ayaa noqonaya kiisii ugu horeeyay tan iyo marklii loo doortay xafiiska madaxweynaha.