MD Xasan Shiikh & Cumar C/rashiid oo Xalay Kulan gaar ah Yeeshay

madaxweyne_xasan_baydhabo16Kulan gaar ah oo loo diiday Saxaafada ayaa waxa xalay ku yeeshay Magaalada Muqdisho Madaxweynaha Dalka Mudane Xasan Shiikh Maxamuud iyo Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke oo ah Safiirka Somaliya ujooga Dalka Mareykanka.

Kulankaasi oo ka dhacay Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ayaa looga hadlay xubnaha ka mid noqon doona Xukuumada Cusub ee lasoo dhisi doono.

Ilo lagu kalsoon yahay ayaa waxay sheegayaan in Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud uu maanta magacaabi doono R/wasaaraha Cusub ee Somaliya loona saadaalinayo Xilkaasi in loo magacaabo Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke.

Kulankii xalay ayaa wararka aan helayno waxay sheegayaan in la isku mari waayey wasaaradaha iyo Shakhsiyaadka loo soo magacaabi doono Xukuumada Cusub.

Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud ayaa doonaya inay dib usoo laabtaan Wasiiro isaga isku dhawaayeen sida C/kiriin Xuseen Guuleed,Faarax Shiikh C/qaadir iyo Mahad Maxamed Salaad.

Wixii kasoo kordho kulankaasi iyo magacaabista R/wasaaraha Cusub dib kala socda insha allah

1 COMMENT

  1. ummad kasta muslimiin ah hadii dhibaato ku raagto ama culeys soo wajaho waxaa waajib ku ah ineey illaaheey u laabtaan ducadana badiyaan sadaqo bixiyaan si ilaahay faraj deg deg ah u siiyo hadaan soomaali nahayna maanta waxaan u baahan nahay inaan illaaheey u dhawaano waana ineeynaan madaxweeynaha uun aynaan magacaabis ka sugin ee waa inaan madaxweeynaha u duceeyno in illaaheey waafajiyo magacaabista qof wadanka diinta iyo shacabkeenaba anfaca.

    waa inaan duco iyo naseexaba la garab istaagno madaxda wadanka qaasatan madaxweeynaha waayo waxaa horyaala mas,uuliyad culus.
    illaaheey waxaan ka baryayaa inoow madaxweeynaha u sahlo nin daacad ah aan qabyaalad aqoon illaaheey ku xisaabtamayo nuurka indhihiisuna yahay jaceeylka wadankiisa iyo wax u qabadka shacabka soomaaliyeed.

    illaahayoow adigaa og dhibaatada wadankeena iyo shacabkeenu soomaray, illaahayoow adigaa arka maatada iyo agoonta dhibaateeysan.
    ilaahayoow adigaa arka shacabkeena caalamka ku kala baylahay adigeeyna aktaada ka sahlan tahay sideey wadankooda ugu soo noqon lahaayeen.
    illaahayoow waxaan kuugu baryaayaa magacyadaada wanaagsan iyo sifaadkaada sareeya ee xasan maxamuud waafaji indhahana u saar inta rag ee aw arkay kii agtaada loogu jecelyahay yaa rabbi yaa kariim.

    shacabkeeniyoow aan badino istiqfaarta iyo ducadaba illaa madaxweeynuhu magacaabo ra,iisulwasaare.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here