Md Xasan Sheekh oo la kulmay jaaliyadda Soomaalida ee Nairobi

Xasan Sheekh oo la kulmay jaaliyadda Soomaalida ee Nairobi
Xasan Sheekh oo la kulmay jaaliyadda Soomaalida ee Nairobi

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta la kulmay jaalliyadda Soomaaliyeed ee deggan magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

Kulanka ayaa inta badan looga wada hadlay ammaanka Soomaalida ku nool dalka Kenya, gaar ahaan magaalada caasimadda ah ee Nairobi oo Soomaalidu ay maalmihii ugu dambeeyey ka cabanayeen dhibaatooyin ay u geystaan ciidamada ammaanka ee Kenya.

Sheekh Shakuul oo u hadlay jaalliyadda Soomaaliyeed ee Kenya ayaa ka sheegay kulanka in ciidamada Kenya ay waayahan dambe dhibaatooyin cul-culus u geystaan Soomaalida, gaar ahaan xaafadda Islii oo ay deggan tahay inta badan Soomaalida ku nool Nairobi.

Sheekh Shakuul ayaa intaas ku daray in loo baahan yahay in wax laga qabto dhibaatooyinka joogtada ah ee lagu hayo Soomaalida.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in uu aad uga xun yahay waxa ka dhacay Nairobi ee loo geystay Soomaalida, wuxuuna xusay inuu kala hadlay madaxweynaha Kenya sidii wax looga qaban lahaa.

Xasan Sheekh ayaa ku boorriyey jaalliyadda Soomaaliyeed ee Kenya inay la shaqeeyaan hey’addaha ammaanka si looga hortago kooxaha qaska ka wada xaafadda Islii.

1 COMMENT

  1. diyaarad ay dowlad kale soo gadatey maxaa ka galey madaxweyne dadkiisii xasuuq uu ku socdo dil iyo in xoolahooda in la dhaco 5000 oo soomali ah ayaa dhibaato ka soo gaarey mudo hal isbuuc ah madaxweynaha wuxuuu lumiyey kalsoonidii shacabka waayo lama qeybsan xanuun iyo gumaadka lagu haayo shacabkiisa qaxootiga ah wuuu sugayaa in madaxda kuukeyda laguu sooo dhaweeyo soomaliya maxay wanaag ah ay soomali u sameeyeen 20 sanno dhibaatada soomaliya waxaa sabab u ah wadamada deriska ah rabin in soomaliya ay nabad noqoto soomaliya in ay sidaan noqoto waadamada deriskaa ka mas,uul ah maanta dhibaatadii soomaliya aygey soo gaarey aqoon la,aanta madaxda soomalida sharafkii iyo qaranimadii moodey dalxiis madaxda soomali muraayad ma isku eegaan miyaa sideey u fool xunyihiin tuugo aan sharaf laheyn xasan sheekh hadii la bedelo midka ku xigo waxba ma dhami doono waayo soomali oo dhan ayaa xanuunsan dowladnimada moodey in lacag la dhaco iyo dalxiis dowlad kale waxaa khaldan protokoolka iyo diblomaasiyada dowladnimo sida qof madax noqdo uu u dhaqmo marka uu xil haayo marka uu tago wadan kale sida uu u dhaqmo waxaa u banaan maxaa ka u banaaneyn safar aan barakeysneyn ayuu noqdey soomaliyey federal wax lagu dhaco dastuur aan xalal aheyn nin walbo sameystey dowladii dhexe tuugsi iyo ceeyb ayey maalin walbo lugaha kula jirtaa soomaliyey maxaa harey oo dhiman xanuun gaajada xabaasha shacab hadii lagu dul caweeyey jees jeeska kuukeyda dhulboobka soomaliya waa sida soomaliya loola rabey waayo Markey dhexdooda is sharfaan ayey sharaf yeelanayaan fikir iyo maskax mideysan oo wadajirtaa sharaf iyo karaamo lagu yeelan karaa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here