Md Xasan oo sheegay ciidamada la ceyriyay in ay ahaayeen kuwa aan howl heynin

Xasan-Sheekh-Maxamuud-300x222Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka hadlay ciidamo fara badan oo dhawaan shaqada laga ceyriyay,

Wuxuu sheegay in ciidamada la ceyriyay ay ahaayeen kuwa aan wax shaqo u heynin ciidamada dowladda, isagoona intaas ku daray in meesha aaaney ahayd hey’ad samafal.

Madaxweynaha ayaa xaqiijiyay in 709 askari shaqadii laga ruqseeyay, kuwaasoo ahaa kuwa aan shaqo hayn, wuxuuna sheegay in hay’adaha ammaanka aysan aheyn hay’ado samafal balse ay yihiin kuwa la doonayo in ay dalka difaacaan.

Madaxweynaha wuxuu qiray ciidamada naafada la dhahay iska nasta oo qaata lacagtiina kuwa carruurta ka geeriyooday ee ka tagay agoontay in si joogta ah loo siinaayo lacagtooda.

Madaxweynaah waxaa kaloo uu si kulul u beeniyay wararka ku aadan in ciidanka dowladda aysan qaadan wax mushaar ah, waxaana uu sheegay in wararka noocaasi ay yihiin kuwa dacaayado  ah oo laga faafiyay ciidanka. dowladda.

Wuxuu sheegay Xasan Sheekh inay jiri karaan bil iyo wax lamid ah inay soo daahaan mushaarka ciidanka, balse gabi ahaanba aysan jirin ciidan aan mushaar qaadan oo Dowladda Soomaaliya ushaqeeya.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here