Md Soomaaliya oo maanta furay shir ku saabsan dib u habeynta Garsoorka Soomaaliya

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud, ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furay shirka dib u habeynta Garsoorka Soomaaliya, oo socon doona ilaa iyo bisha Abril 5-teeda.

Shirkaan ayaa waxaa kasoo qayb galay, quburo, aqoonyahano, Odoyaasha dhaqanka, Haween iyo ururada bulshada rayidka, iyo waliba hay’adaha doowlada eek u lukta leh Garsoorka iyo Cadaalada.

Shirkaan ayaa mudada uu socon doono waxaa lagu lafa guri doonaa waxyaabo kamid ah caqabadaha hor taagan Garsoorka, dib u dhiska iyo wali horumarinta hay’adaha Garsoorka, iyo xiriirka kadhaxeeya hay’adaha Cadaalada iyo dastuurka cusub.

Kulankaan dib u habeynta Garsoorka Soomaaliya, ayaa waxaa lafilayaa ineey kasoo baxaan tallaabooyin dhaxal gal u ah hay’adaha Garsoorka iyo Cadalada ee kajira dalka.

Waxaa sanadihii ugu danbeeyay soo baxayay dhaliilo ku aadan Garsoorka Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa sheegay in muhiimada shirkaan ay tahay sidii loo hagaajin lahaa Garsoorka Soomaaliya, waxaana uu xusay dib u habeyntaas ay horsed u noqon doonto cadaalad ay hesho bulshada Soomaaliyeed.

“Shirkaani waxa kasoo baxayaa ummada Soomaaliyeed ha loogu roonaado, Ilaaheey dartiis ha loo sameeyo, wax ka sokeyso yaan loo sameynin, waana xariga doowlada aad kula xisaabtameysaan” ayuu yiri madaxweynaha.

Sidoo kale shirkaan waxaa ka qayb galaya xubno ka socday booliska Soomaaliya.

Gaashaanle Sare, Xasan Muuse Macalin, oo kamid ah xubnaha booliska uga qayb galaya, ayaa qaba in xiligaan ay muuqato muhiimad gaar ahna lasiiyay in Garsoorka Soomaaliya wax laga qabto.

“Waxaan is leeyahay hadii arintaan muhiimd intaan la’eg la siiyay, umada Soomaaliyeedna mudo dheer kadib ay isku timid si ay uga arinsato, sidii loo dhaqajin lahaa oo dib loogu howlgalin lahaa hay’adihii Garsoorka dalka, waa arin horumar leh, waa arin aad iyo aad u wanaagsan” ayuu yiri Gaashaanle Sare Xasan Muuse Macalin.

Cismaan Xaaji yuusuf, oo kamid ah qurbo joogta shirkaan kasoo qayb gashay, ayaa sheegay in loo baahanyahay in wax laga badalo khawaaniinta qaar, gaar ahaan kuwa isku xiraya gobolada dalka.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here