Md, oo ka tacsiyeeyay Geeridii ku timid Shaati-gaduud

INAA LILLAAHI WA INAA ILEYHI RAAJICUUN

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyeeyay Geeridii ku timid Siyaasiga weyn Xasan Maxamed Nuur “Shaati Gaduud” oo ku geeriyooday dalka Jarmalka.

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray dhammaan ummadda Soomaaliyeed gaar ahaa qoyskii uu ka geeriyooday Shaati gaduud.

Prof Xasan Sheekh ayaa sheegay in siyaasiga Shaati Gaduud oo in muddo ah ku xanuunsanaa dalka Jarmalka maantane uu u geeriyooday, waxa uuna intaasi raaciyay in meydka marxuumka la keenidoono magaalada Muqdisho si loogu sameeyo aas qaran.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa shacabka Soomaaliyeed ka codsaday in ay cafiyaan Marxuum Xasan Maxamed Nuur, waxa uuna ALLA uga baryay in uu janadii fardowso ka waraabiyo eheladii iyo qaraabadii uu ka geeriyoodayne samir iyo iimaan ka siiyo

AAAAMIIIIN AAAAMIIIIN AAAAMIIIIN
INAA LILLAAHI WA INAA ILEYHI RAAJICUUN

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here