Md oo ka qayb galay munaasabad lagu dhaarinayay Taliyaasha Cusub ee CXDS

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu dharinayay Taliyayaasha cusub ee Ciidanka Xoogga Dalka.

Munaasabada dhaarinta ahey oo ka dhacday xarunta madaxtooyada Qaranka ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb galay R/wasaaraha dalka, wasiirka difaaca, wasiirro ka tirsan xukuumadda iyo saraakiil.

Taliyaha cusub ee ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ee ayaa waxaa loo magacaabay (Sareeye Guuto) Jen. Daahir  Aadan Cilmi iyadoona abaaduulaha ciidanka xooga dalka loo magacaabay Jen.  C/risaaq Khaliif Cilmi

Madaxweynaha oo hadal ka jeediyay munaasabada ayaa amaan balaaran u soo jeediyay taliyihii hore ee ciidamada XDS iyo abaanduulahii hore sida, horumarada ay ku talaabsadeen ciidamada qalabka sida intii ay xilka hayeen waxa uuna ku amaanay xoreynta caasimada dalka ee Muqdisho iyo gobollada dalka oo ay ka sareen maleeshiyada kooxda shabaab.




Sidoo kale Madaxweynaha ayaa intaasi raaciyay in dowladda Soomaaliya ay damaanad qaadeyso nolosha qoysaska Taliyihii hore ee ciidamada Melatariga S/Guuto C/qaadir Sheekh Cali Diini iyo abaanduulihii ciidamada General C/kariim Yuusuf Aadan “Dhagaban”.

“Guulo aad u waaweyn ayey gaarsiiyeen Ciidamada Xooga Dalka. Guulahaas oo ka dhacay goboladda dalka ayagoo kaashanaya Ciidanka AMISOM. Sidoo kale waxey aasaas u sameeyeen ciidan qaran, tababar fiican leh, akhlaaq ka siman, oo ka kala yimid Goboladda dalka” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Sidoo kale Madaxweynaha oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri “Mustaqbalka Xoogga Dalka waa guul waxaana u mahad celinayaa saaxiibadeen Beesha Caalamka, Sidoo kale cunaqabateyntii hubka waa laga qaaday Soomaaliya, waxaa loo baahanyahay masuuliyad, waana waajib Qaran oo idin saaran waxaa mudan in la xuso in cuna qabateynta dib loo soo celin karo sidaas darteed waa in aad waajibkiina gudataan oo masuuliyad iska saartaan.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here