Maydka Madaxweynihii hore Cabdulahi Yuusuf oo la geeyey Gaalkacyo

Wararka ka imanaya magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa sheegayaa in garoonka dayuuradaha ee magalada Gaalkacyo ay ka degeen labo dayuuradood oo mid ka mid ah sidey meydka Cabdulahi Yuusuf halka dayuurada kalana ay saarnaayeen mas’uuliyiin uu ka mid yahay madaxweyne Shiikh Shariif Shiikh Axmed.

Meydka madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo la gaarsiiyay magaalada Gaalkacyo ayaa mar kale halkaasi lagula tukaday salaada janaasada, iyadoo ay garoonka ku sugan yihiin masuuliin uu ugu sarreeyo madaxweynaha Soomaaliya.

Meydka Allaha u naxariistee madaxweynihii hore ee dalka ayaa mar kale salaada Janaasada lagula tukaday garoonka diyaaradaha, taasi oo ay si wadajir ah uga wada qeyb qaateen madaxda dowladda Soomaaliya, madaxda Puntland iyo boqolaal shacabka magaalada Gaalkacyo.

C/hi Yuusuf Axmed ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socda lagu aaso magaalada Gaalkacyo oo ah halkii uu ku dhashay.

1 COMMENT

Comments are closed.