Maydad Lagu Arkay Gobbalka Shabellada Hoose

Wararka naga soo gaaraaya Gobbalka Shabellada hoose gaar ahaan deegaanka Shalanbood ayaa sheegaya in Saakay lagu arkay deegaankaas laba qofood oo mayd ah.

Waxaa Labadaan ruux da’dooda lagu qiyaasay 40 ilaa 50 sano jir lamana garaayo sababta loo dilay iyo cida ka danbeysay dilkooda.

Goob jooge ku sugan deegaanka Shalanbood ayaa warbaahinta  u sheegay in labadaas ruux ay jirkooda ka muuqatay rasaas.

Sikastaba Xarakada Al-Shabaab ay ka baxeen deegaano ka tirsan Gobbalka Shabellada hoose ayaa waxaa halkaa ku soo badanayay dilalka qorsheeysan iyo amaan xumo aad u balaaran.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

Midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here