Maxkmad ku taala Masar oo min 2 sano oo xarig ah ku riday 16 Soomaali ah

Maxkamada magaalada Alexandaria ee dalka Masar ayaa xakun ku riday 16 Soomaali ah oo la qabtay iyaga oo si sharci darra ah uga tahriibaya xeebaha Masar.

Dadkan Soomaalida ah oo ay la socdeen masaari aad uga tira badan ayaa la qabtay kadib marki ay dooni ay la socdeen dib ugu soo laabatay xeebta oo ay ka shiraacatay maalin ka hor.

Sida ay wararka sheegayaan dadkan ayaa si sharci darra ah uga baxay xeebta Alexandria iyaga oo rabay in ay u talaabaan dalka Libya si ay uga si gudbaan Qaarada Yurub.

Doonidi ay la socdeen ayaa dhex ku qalibantay taasi oo ku kaliftay in ay kusoo laabtaan halki ay marki hore ka baxeen halkaasi oo ay ugu gacan galeen ciidamada ilaalada xeebaha.

Maxamed Cabdulle Tahliil oo ka mid ah Soomaalida ku nool Aleksandaria ayaa sheegay in 16-ka Soomaalida ah oo 14 ahaayeen rag labana dumar midkiiba lagu xakumay 2 sano oo xarig ah iyo masaafurin lagu sameyn doono marka ay xabsiga dhameystaan.

“Waxay ahaayeen 16 Soomaali iyo masaari kale, marki ay bada galeen ayey doon ka qalibantay marka dadka dhib badan ayaa soo gaaray kadibna waxay noqotay in ay dib u soo laabtaan kadibna ciidamada bada ayaa qabtay,”  ayuu yiri.

Waxan noqonayaan tiradi ugu badneyd oo Soomaali ah oo haatan ku xiran xabsiyada dalka Masar.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here